KULANKA BILLAHA EE WASAARADDA GANACSIGA IYO GANACSATADA JUBALAND

KULANKA BILLAHA EE WASAARADDA GANACSIGA IYO GANACSATADA JUBALAND

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa kulan la qaadatay Ganacsatada Jubaland, kulankaan ayaa ah kulan bille ah oo ay soo qabanqaabiso Wasaaradda Ganacsiga.

kulankan oo dhaca bil kasta dhammaadkeeda ayaa waxaa looga hadlaa wixii kusoo cusbooonaada ganacsiga, wixii caqabado ah iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdinuur Cali Aadan oo kulanka furay ayaa ku sheegay ujeedada laga leeyahay kulamada billaha ah ay Wasaaraddu qabato inuu yahay mid loogu talagalay in lagu xoojiyo xiriirka Wasaaradda Ganacsiga iyo  Ganacsatada ka dhaxeeya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Ayaanle Xuseen ayaa gabagabadii kulanka sheegay ahmiyada uu ku fadhiyo kulamada noocaan ah, iyo inay wax badan ka caawinayso inay Wasaaraddu ogaato baahiyaha ganacsatada iyo cabashooyinka ay qabaan.

Wuxuuna Agaasimuhu sheegay in ay Wasaaraddu wax ka qaban doonto dhammaan cabashooyinka kasoo gaara ganacsatada.

Leave a Reply