Agaasimaha Guud ee loo soo badalay Wasaaradda Ganacsiga oo la wareegay Xilka

Agaasimaha Guud ee loo soo badalay Wasaaradda Ganacsiga oo la wareegay Xilka

Kismayo, April 11, 2022

Kulan ku qabsoomay xafiiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Gudoomiyaha Shaqaalaha rayidka, shaqaalaha wasaaradda iyo xubno ka socday  ganacsatada iyo rugta ganacsiga iyo warshadaha ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa xilka agaasime kula kala wareegay Agaasimihii hore ee Wasaaradda mudane Ayaanle Xuseen iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda mudane Cabdishukri Carab.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Agaasimaha cusub, Allena uga baryay inuu shaqada iyo howlaha uyaala ufududeeyo, sidoo kale ku amaanay agaasimihii hore shaqadii wanaagsaneed ee uu ka qabtay wasaaradda mudadii uu joogay.

Gudoomiyaha Shaqaalaha rayidka ayaa sheegay inay farxad u tahay inay arkaan Agaasimayaasha oo lagu amaanayo shaqooyinka ay ka qabteen wasaaradaha ay joogaan, wuxuuna xusay inay taas cadeen utahay in ay soo shaqaalaysiiyeen agaasimayayaal uqalma booska loo magacaabay.

Leave a Reply