Wasiirka Ganacsiga oo ka qayb galay shirwaynihii 1aad ee tayo-dhawrka qaranka

Wasiirka Ganacsiga oo ka qayb galay shirwaynihii 1aad ee tayo-dhawrka qaranka

Oct 24, 2022

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdiwahaab Axmed Cusmaan ayaa caasimadda Mugdishu uga qayb galay daahfurka Shir-weynaha 1AAD ee Tayo-dhowrka Qaranka Soomaaliyeed oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliya.
Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah, ayaa looga hadli doonaa siddii dhidibada looggu taagi lahaa doorka dawladda ee Tayo-dhowrka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muhiimadda uu u lee yahay kobaca dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Cabdiwahaab oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa xusay in badeecooyin ku daaha suuqyada aduunka loo soo dhoofiyo dalkeena, taas oo tayadeedu hoosayso, dhacsan ama dhici rabta.
Gabagabadii wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay ilaah ka cabsadaan, shacabkana uturaan, sidoo kale wuxuu ku booriyay hay’adaha qaybaha ka ah Tayo-dhowrka inay ka wada shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa wax walba oo bulshada dhib ukeenaya.

Leave a Reply