Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda oo ku maqnaa tababar dalka dibaddiisa oo dib dalka ugu soo laabtay

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda oo ku maqnaa tababar dalka dibaddiisa oo dib dalka ugu soo laabtay

Oct 29, 2022

Agaasimaha Maamulka, Maaliyadda iyo Shaqaalaha Mudane Maxamed Faarax oo dalka dibeddiisa gaar ahaan Waddanka Netherlands ugu maqnaa safar cilmi kororsi ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Agaasimaha oo intuu joogay dalka Netherlands ayuu booqasho ku tagay World Horti Center oo ah xarun loogu tala galay in lagu soo jiito shirkadaha caalamiga ah inay maalgashadaan dalka sidoo kale ah xarun hal abuur.

Agaasimaha ayaa soo laabashadiisa ka dib ka warbixiyay safarkiisa, isaga oo xusay inuu kulan la qaatay qaar ka mid ah qurbo joogta soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherlands, uuna ku dhiirigaliyay inay maalgashadaan waddankooda, sidoo kale wuxuu xusay inuu waddankii ka banaan yihiin fursado ganacsi oo badan kuwaas oo loo baahan yahay in la maalgashado.

Leave a Reply