Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo soo bandhigtay Siyaasadda lagu Maamulayo Ganacsatada

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo soo bandhigtay Siyaasadda lagu Maamulayo Ganacsatada

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa Kulan ay la qaadatay Ganacsatada Jubaland qaybahooda kala duwan kusoo bandhigtay Siyaasadda lagu maamuli doono Ganacsiga Yar Yar iyo kuwa dhexe.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la dajiyo siyaasad lagu maamulo Ganacsiga yar yar iyo kuwooda dhexe, sidoo kale waxa uu sheegay in ay gacan wayn ka geesan doonto qaabka loo bixiyo maalgalinta lasiiyo ganacsatada yar yar iyo kuwooda dhexe.

kulankaan oo ahaa kulan bille ah oo ay Wasaaraddu la qaaadato ganacsatada qaybahooda kala duwan ayaa lagu soo bandhigaa laguna falanqeeyaa wixii cusub ee kusoo kordha ganacsiga deegaamada Jubaland.

 

 

Leave a Reply