Wasaaradda Ganacsiga ee Jubaland oo Kulan la qaadatay Ganacsatada Jubaland

Wasaaradda Ganacsiga ee Jubaland oo Kulan la qaadatay Ganacsatada Jubaland

Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland oo kulan la qaatay Ganacsatada Dowlad Goboleedka Juland.

kulan ayaa ah kulan bille ah oo way Wasaaraddu qabato bil kasta dabayaaqadeeda.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo furay kulanka ayaa ka hadlay muhiimada uu shirkaan leeyahay, sidoo kale ku booriyay ganacsatada Jubaland in ay wax walbo ay uga baahdaan Wasaaradda, ay Wasaaraddu diyaar ula tahay, ayna ka gacan qabanayso.

Sidoo kale Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo bandhigtay Website-ka cusub ee ay yeelatay Wasaaradda Ganacsiga, sidoo kale waxay soo bandhigtay hab online ah oo ay hadda ka dib ay isku diiwaan galin karaan ganacsatada ayaga oo aanan imaanin xafiiska Wasaaradda Ganacsiga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Ayaanle Xuseen Maxamed oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in qaabkan cusub ee diiwaangalinta ay bilaaban doonto Janaayo 01, 2021.

Ganacstada aya su’aalo waydiiyay Wasiirka iyo Agaasimahaba.

Gabagabadii Wasaaradda ayaa balan qaaday in ganacsatada ka caawin doonto wax walba oo ay uga soo baahdaan.

 

 

Leave a Reply