Wasaaradda Ganacsiga oo la kulantay Ganacsatada Jubaland

Wasaaradda Ganacsiga oo la kulantay Ganacsatada Jubaland

Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa la qaadatay Ganacsatada Jubaland kulan, kulankaan ayaa ah kulan bille ah oo ay Wasaaraddu la qaadato Wasaaraddu ganacsatada qaybahooda kala duwan.

Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha oo furay kulanka ayaa ka hadlay muhiimada kulanku uu leeyahay, iyo sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay inay ula shaqayso ganacsatada qaybahooda kala duwan.

Ganacsatada ayaa ku amaanay Wasaaradda Ganacsiga shaqada ay hayso, iyo sida ay ula shaqayso ganacsatada, waxayna ka dalbadayn Wasaaradda inay sii xoojiso dadaalada ay wado.

ugu dambayn Agaasimaha oo soo xiray kulanka ayaa ganacsatada usheegay inay kor usii qaadi doonaan dadaalada ay Wasaaraddu ugu jirto inay kor ugu qaado ganacsiga Jubaland.

Leave a Reply