Wasaaradda Ganacsiga oo tababar uqabatay qaar ka mid ah Ganacsatada degmada Kismaayo

Wasaaradda Ganacsiga oo tababar uqabatay qaar ka mid ah Ganacsatada degmada Kismaayo

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa uqabatay qaar ka mid ah ganacsatada kismaayo tababar ku saabsan sidii loo hormarin lahaa ganacsiga.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdinuur Cali Aadan ayaa furay tababarka, isaga oo ka hadlay muhiimada uu tababarkani uleeyahay Ganacsatada, iyo waxyaalaha laga faa’iidayo tababarka.

tababarkan ayaa socday afar maalin, waxaana diirada lagu saaray waxyaalaha loo baahan yahay in lagu hormariyo ganacsiga, hababka kala duwan ee la istimcaalo si loo kobciyo ganacsiga.

ganacsatadii ka qayb gashay tababarka ayaa sheegtay faa’iidada uu ulahaa ganacsiga iyo waxyaalo badan oo ay ka faa’iideen, iyagoo ka codsaday Wasaaradda in loo soo badiyo tababarada noocaan oo kale ah.

 

Leave a Reply