Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha oo tababar uqabatay shaqaalaha Wasaaradda

Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha oo tababar uqabatay shaqaalaha Wasaaradda

SEPTEMBER 20, 2021

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa tababar uqabatay shaqaalaha Wasaaradda. tababarkaan ayaa ahaa aqoon kororsi loogu tala galay shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Bishaar Aadan oo kalmad ka jeediyay furitaanka tababarka ayaa sheegay muhiimada ay leedahay tababarada noocaan oo kale ah, sidoo kale wuxuu xusay in ay muhiim tahay in mar waliba tababaro noocaan oo kale ah kuna saabsan aqoon kororsi ay muhiim ay tahay in la qabto, Wasaaradduna ay ku dadaali doonto sidii ay tababaro gudaha iyo dibedda ahba ugu qaban lahayd shaqaalahayda.

Shaqaalaha ayaa ku amaanay madaxda Wasaaradda sida ay ugu howlan yihiin dardar galinta shaqada wasaaradda, iyo sidii ay shaqaalaha Wasaaradda unoqon lahaayeen shaqaalo xirfad u leh shaqooyinka loo igmaday.

Leave a Reply