Wasaaradda Ganacsiga oo kulan la qaadatay Ganacsatada Jubaland
Kulanka Wasaaradda iyo Ganacsatada

Wasaaradda Ganacsiga oo kulan la qaadatay Ganacsatada Jubaland

Sep 01, 2021

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa kulan la qaadatay qaar ka mid ah ganacsatada Dolwad Goboleedka Julabaland, kulanka ayaa looga hadlayay sicir bararka ka jira dowlad goboleedka Jubaland.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdiwahaab Axmed Cusmaan oo furay kulanka ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay kulanka noocaan oo kale ah, waxa uuna sheegay in wax walba ay sahlanaanayaan haddii kulamada noocaan ah ay bataan. Wasiirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in loo turo bulshada, waxa uuna sheegay in sicir bararku uu saameeyay dad iyo duunyaba, wuxuuna ku daray in Wasaaraddu ay garab taagan tahay ganacsatada, wixii loo baahdana ay ka caawin doonto, iyagana ay uturaan bulshada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Bishaar Aaden ayaa ka waramay shaqada Wasaaradda iyo qorshaha  udagan Wasaaradda, sidoo kale wuxuu sheegay in ay Wasaaraddu ay gaari karin qorshaha udagan haddii aysan garab ka helin ganacsatada.

Ganacstada ayaa doorkooda ku amaanay Wasaaradda dadaalada ay wado, waxayna sheegeen in ay muhiimada ay leedahay  in ay Wasaaradda iyo Ganacsatada ay wada shaqeeyaan.

gabagabadii Wasaaradda ayaa xustay in kulamada noocaan ah ay ahaan doonaan bille.

 

Leave a Reply