Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha oo tababar ufurtay qaar ka mid ganacsatada ku dhaqan Jubaland
Tababarka Ganacstada

Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha oo tababar ufurtay qaar ka mid ganacsatada ku dhaqan Jubaland

Sep 13, 2021

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa tababar aqoon kororsi ufurtay qaar ka mid ah ganacsatada Dowlad Goboleedka Jubaland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Degmadda Kismaayo.

tababarkaan ayuu hadafkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ganacsi ee ganacsatada ku dhaqan Jubaland, wuxuuna socondoonaa muddo afar maalin ah.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Cabdiwahaab Axmed Cusmaan oo furay tababarka ayaa ku booriyay Ganacsatada inay ka faa’iideestaan tababarka, ayna dhaqan galiyaan wixii ay ka bartaan tababarka.

ganacsatada ayaa ku amaantay Wasaaradda dadaalada ay wado, sidoo kale waxay sheegeen muhiimada uu uleeyahay tababarada noocaan oo kale ah, waxayna sheegeen inay dhaqan galin doonaan wixii ay ka faa’iidaan tababarka.

Leave a Reply