Wasaaradda Ganacsiga oo Tababar kor loogu qaadayo xirfada shaqaalaha qabatay

Wasaaradda Ganacsiga oo Tababar kor loogu qaadayo xirfada shaqaalaha qabatay

Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa qabtay tababar kor loogu qaadayo xirfadda shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga.

Tababarkaan ayaa socday muddo 5 maalin ah, waxaana la qabtay December 20-24, 2020.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Ayaanle Xuseen Maxamed oo furay tababarka ayaa sheegay muhiimada ay tababarada noocaan ahi ay uleeyihiin shaqaalaha Wasaaradda, ayana tahay in si fiican ay uga faa’iideestaan shaqaalaha Wasaaradda inta uu tababarku socdo, ayna dhaqan galiyaan wax walba oo ay ku bartaan tababarka inta uu socdo.

Wasaaradda ayaa usiisa shaqaaalaheeda tababaro si isdaba joog ah, si ay kor ugu qaado xirfadooda shaqo.

Leave a Reply